Facebook oo diiday in la tirtiro xayeysiin lagu eedeynayo Ilhaan Cumar

facebook-oo-diiday-in-la-tirtiro-xayeysiin-lagu-eedeynayo-ilhaan-cumar

3 Saacadood ka horXigashada Sawirka, AFP/GETTYXafiiska Ilhaan Cumar ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay diiday inay meesha ka saarto xayeysiin xildhibaanadda ka tirsan aqalka Koongareeska la xiriirineyso inay taageerto ururka Xamaas ee ka dagaallama Falastiin, sida uu qoray wargeyska Washington Post.Waxay ku wargeliyeen Facebook in qoraalkaas uu yahay mid khalad ah oo naceyb abuuri karo isla markaana halis ku ah nolosheeda.Xafiiskeeda ayaa la xiriiray shirkadda Facebook kadib markii ay arkeen xayeysiin ay soo dhigeen halkaas guddi fadhigiisu yahay Mareykanka oo u doodo xuquuqda dadka Israa’iil.Qoraalka ayaa sidatan u dhignaa “Israa’iil marka ay weerarto Xamaas, xildhibaan Ilhaan waxay ku tilmaanta falal argagixiso”Facebook waxay dhankiisa xaqiijiyay in xayeysiinta aysan kasoo horjeedin xeerarka u yaalla, sida laga soo xigtay wargeyska.Waxaadhaqan gashay xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaddib 11 maalmood oo uu dagaal dhex marayay, kaas oo ay ku dhinteen ilaa 250 qof. Here are some of the main news lines so far:Howlgal nadiifin ah ayaa ka socda waddooyinka uu burburka dhismaha qariyay ee Gaza.Rabshadahan oo ka bilowday masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa, waxay sii ballaarteen markii Xamaas ay gantaallo ku weerartay magaalooyiinka Israa’iil oo dhankeeda bilowday in ay duqeyso Marinka Qaza.Kala aragti duwanaanta Dimuqraaddiyiinta ee gudaha Aqalka Congress-kaSi loo fahmo…
Read More

Exit mobile version