Sideed isaga ilaalin kartaa in lagaa jabsado WhatsApp-kaaga?

sideed-isaga-ilaalin-kartaa-in-lagaa-jabsado-whatsapp-kaaga?

Saacad ka horBurcadda Internet-ka ayaa weli sii wada inay beegsadaan dadka isticmaala WhatsApp-ka ayna afduubtaan akoonnadooda, iyaga oo iska dhigaya saaxiib kuna weydiinaya nambarrada sirta.Arrintan sanado ayay jirtay balse weli way sii wadaan inay dadka siraan, iyadoo dhibbanayaashu ay baraha bulshada ku wadaagayaan sheekooyinkooda.WhatsApp ayaa uga digay in macaamiisha inaysan marnaba nambarrada sirta siin qof kale, xitaa haddii uu yahay saaxiibkood.Mid ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la yaabay sida uu ugu dhacay dabinka.Maxaad iska ilaalineysaa?Waxaa laga yaabaa inaad dabinka ku jirto haddii aad hesho farriin wadata nambar lix ka kooban oo WhatsApp ah kaas oo aadan fileyn.Caadi ahaan nambarkan sirta waxaa laguu soo diraa marka aad akoon cusub furaneyso, amaba aad akoonkaaga ka fureyso kumbiyuutar kale oo kugu cusub.Si kastaba, haddii aadan dirin codsigan, waxaa laga yaabaa inay yihiin burcad isku dayaya inay u dhacaan akoonkaaga.Tallaabada xigta, burcaddu waxay kuu soo dirayaan farriin WhatsApp ah iyaga oo ku weydiinaya nambarka sirta ah ee lixda ka kooban.Waxay u muuqaneysaa inay farriintaas ka timid saaxiib sababtoo ahna akoonkaas mar hore ayaaba la jabsaday.”Waxaan farriin WhatsApp ka helay saaxiibtey Michelle, oo ii sheegeysa in laga xirtay akoonkeeda,” sidaas waxaa BBC u sheegay Charlie oo dhibbane ah.”Waxay sheegtay in si kama’ ah ay nambarkii…
Read More

Exit mobile version