3 Saacadood ka horQoraalka sawirka, Mark Zuckerberg iyo Madaxweyne BidenKahor inta aysan qarxin sheekadii Cambridge Analytica. Kahor inta uusan Facebook garwaaqsan in bartaas loo adeegsaday in lagu caawiyo kicinta dabargoyn isireed oo ka dhacay Myanmar. Kahor dilalkii WhatsApp lagu geystay ee ka dhacay Hindiya. Kahor QAnon iyo Proud Boys – Mark Zuckerberg wax walba gacantiisa ayay ku jireen.Waxaa xaqiiq ah, in bilowgii 2017 uu go’aansaday inuu booqasho ku maro Mareykanka.Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu ku sheegay inuu jeclaan lahaa inuu “dad badan kala hadlo sida ay u nool yihiin, u shaqeynayaan amaba ay uga fekerayaan mustaqbalka”. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu la hadlo dhammaan dadka ku nool 50-ka gobol – si uu xiriir toos ah ula sameeyo dadka Ameerikaanka ah. Waxay dadka qaar u arkayeen in socdaalkaasi uu bilow u yahay damac madaxtinnimo oo 2020-ka ah – taas oo uu beeniyay.Suurtogalnimada inuu isa soo sharxo ayaa aad looga dooday warbaahinta – lacag wuu heystay, damac, iyo awoodna wuu lahaa. Xigashada Sawirka, vanity fairQoraalka sawirka, Waxaa jirtay malo ah in Mr Zuckerberg uu u tartamayo madaxweyneToddobaadkan dhexdiisa, Joe Biden ayaa ka hadlay arrinta ay dad badan rumeysan yihiin ee ah in Mark Zuckerberg uu si qarsoodi ah u daneynayo, » Read More










