Xigashada Sawirka, FACEBOOK4 Saacadood ka horMuddo sanado ah, Jack Sepel iyo Ashley Wadsworth waxay ahaayeen saaxiibbo iska bartay qadka Internedka oo aad isugu isugu dhawaa inkasta oo ay isu jiraan 7,242 kiiloomitir.Laakiin markii Ashley oo 19 jir ah ay go’aansatay inay ka tagto Canada oo ay UK u guurto Jack Sipple, dartii ayuu dhawr bilood ka dib dilay.Ashley hooyadeed, Christie Gendron, ayaa tiri: ‘Waa wax laga xumaado in waqtigii ugu dambeeyay ay ku fikiraysay waxa dhacay. Siday u cabsatay, muxuu noqon lahaa hadalkeedii ugu dambeeyay, maxay codsan lahayd?’Weligay ma ogaan doono. Waxaas oo dhan waxaa garanaya laba qof oo kaliya, kuwaas oo midkood aanu dunidan joogin, midna aanu waligii run sheegeyn. oo ay ula jeeddo gabadheedii geeriyootay iyo ninka dilka u gaysatay.Ashley, oo ka timid gobolka British Columbia, ee dalka Canada, waxay u tagtay inay kula noolaato Jack, oo 23 jir ah, guri hal qol ah oo ku yaalla Waddada Tennyson ee Chelmsford, dalka UK.Kowdii bishii Febaraayo ee sanadkaan, ayaa Ashley boolisku heleen maydkeeda.Jirkeeda waxaa ka muuqday ceejo iyo mindi uu laabta kaga dhuftay dhowr jeer.Xilligii maydkeeda la helay waxaa maydka dhinac fadhiyay oo sariirta dul-saarnaa, Jack.Kadib markii uu qirtay Jack inuu Ashley’ dilay waxaa lagu xukumay xabsi daain, ugu…
Read More











